Madasha Xisbiyada Qaran ee ay hoggaamiyaan Madaxweynayaashii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war kasoo saartay Dhiska Dhuusamareeb 3, iyadoo beenisay war xalay kaso yeeray Guddiga Farsamada Shirka oo ku saabsanaa inay la kulmeen xisbiyada siyaasadda dalka.
War-murtiyeedka Madasha ayaa lagu sheegay in shirka Dhuusamareeb 3 aanu u muuqan shir ay isugu soo dhowaanayaan dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, waxayna ku adkeysatay in go’aan ka gaarista arrimaha doorashooyinka aysan koox gaara isku koobin karin.
HOOS KA AKHRISO WARMURTIYEED-KA

Madasha Xisbiyada Qaran (MXQ) iyadoo maanka ku haysa inuu gabogabo yahay muddo xilleedka hay’adaha Dastuuriga ah, kana duulaysa baahida loo qabo qabsoomidda doorasho
ku dhacda wakhtigeeda loona dhanyahay, isla markaasna horseedda nadab iyo xasilooni
siyaasadeed waxay adkeynaysaa in laga dhabeeyo ballan qaadyadii dolwadda Federaalka iyo heshiiskii Dhuusamareeb (2) lagu gaaray.
Madasha Xisbiyada Qaran (MXQ) waxay filaysay shirka Dhuumareeeb (3) in uu noqdo fursad ay isugu soo dhawaadaan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada laguna wada gaaro hannaan doorasho, hase-yeeshee taasi ma muuqato. Madashu waxay aaminsantahay go’aan ka gaarista arrimaha doorashooyinka dalka inay tahay xaq ay leeyihiin shacabka soomaaliyeed, oo aysan isku koobi karin qolo gaar ah.
Madasha Xisbiyada Qaran (MXQ) waxay ugu baaqaysaa masuuliinta heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee ku shiraya magaalada Dhuusamareeb inay qaddariyaan marxaladda dalku marayo ayna u istaagaan xal u helidda xaaladda siyaasadeed ee murugsan.
Madashu waxay caddeynaysaa Guddiga Farsamada Doorashooyinka ee lagu dhisay Dhuusamareeb in uusan wax wadatashi ah la samayn Madasha, mana jiro kulan dhexmaray labada dhinac oo looga tashanayay arrimaha Doorashooyinka.
Madashu waxay ku dhiiragelinaysaa Madaxda ku shiraysa Magaalada Dhuusamareeb iyo kuwa ka maqanba inay muujiyaan masuuliyad isuna tanaasulaan ayna gutaan waajibka qaran ee ka saaran dalka iyagoo tixgeliyaan dareenka shacabka Soomaaliyeed iyo duruufaha Dalku marayo.
Madashu waxay ka digaysaa mudo kororsi ay sameystaan Golayaasha dowladda iyo in uu firaaq Dastuuri ah ku yimaado hay’adaha sharci dajinta dalka.
Ugu danbayn, Madashu waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa dadkii ku geeriyooday weerarkii arxan darrada ahaa ee lagu qaatay Hotel Elite 16 August 2020 ee lagu beegsaday bulshadii ku sugnayd goobtaas, falkaas iyo falalka argagixisada ee Al-shabaab u geystaan maatida Soomaaliyeed waxay caddeyn u tahay ujeeddada gurracan ee ururka Al-shabaab
ee la dagaalanka qaranimada iyo horumarka bulshada Soomaaliyeed