Madaxda maamulka Puntland iyo dadweyn kumanaan ah ayaa soo dhoweyn diiran magaalada Garowe ugu Soo dhoweeyay
xulka Puntland oo ku guuleystay koobka maamul goboleedyada dalka oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne ku-xigeenka Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Cumar Camey, xildhibaano iyo wasiiro iyo dadweyn ayaa iyagoo aan u kala harin iska xaadiriyay Garoonka diyaaradaha ee Konoco ee duleedka magaalada Garoowe.
Madaxweyne Gaas ayaa markii ay ciyaartoydu soo gaareen Garoonka Konoko waxa uu mid mid u gacan qaaday dhammaan xiddigahaasi oo ay wejiyadooda ka muuqatey sida ay ula dhacsan yihiin guusha iyo sharafta ay dalkooda iyo dadkooda u soo hooyeen
Dr. Gaas ayaa ku boggaadiyey xulkaan sharafta ay Puntland u soo hooyeen waxaana uu kula dardaarmay in ay halkaasi kasii wadaan dedaalka ay ugu jiraan in ay noqdaan horyaalka kubbadda cagta ee Soomaaliya, isagoona Madaxweynuhu sheegay in la guddoon siin doono abaal marino u dhigma guusha ay usoo hooyeen Puntland.
Gaadiid fara badan iyi dadweyne ayaa soo galbiyay ciyaartoyda oo magaalada Garowe bartamaheeda kula dabaal degay iyadoo wata koobkii ay ku guuleystaym waxayna ahayd farxad la wada wadaagay.
DAAWO SAWIRRADA