Tuesday, July 15, 2025

Madax iyo shaqaale ka tirsan wasaaradda Gaadiidka oo goor dhow lagu laayay Muqdisho (Akhriso Magacyada)

Afar qof oo ka mida madaxda iyo shaqaalaha wasaaradda gaadiidka Cirka iyo Dhulka ayaa goor dhoweyd lagu dilay Isgoyska KM4 ee Magaalada muqdisho kadib markii dabley gaari kale wadatay ay ku hor gooyeen gaari kuwa raaxad ah oo ay wateen xubnahani.

km4

Afarta qof ee la dilay oo ka mida ahaa shaqaalaha ka howlgala Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa dilkoodu wuxuu cabsi weyn geliyay dadkii goobta ka ag dhowaa iyadoo qori baas ah oo muddo dhacayay loo adeegsaday, ayna baxsadeen dableydii dilka qorsheysan fulisay.

[ad name=”HTML-3″]

magacayada shaqaalaha dowladda ee la dilay  waxaa kamida:   Abuukar Cadaani oo ahaa Agaasimaha Gaadiidka Hawada ee garoonka,   Maxamed Axmed Haaruun  oo ahaa maareeyihii Maareeyaha duulista Hawada, Maxamed Kediye Jimcaale  oo isna ahaa Maareeye ku xigeenkii garoonka diyaaradaha  iyo darawalkii gaariga ku waday Xuseen Hilowle Cadaan

Dilalka qorsheysan e lagula kacayo mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha dowladda ayaa u muuqda inay dib u soo cusboonaadeen, iyadoo ay markan ka dhaceen goob ciidamo badan oo dowladda ka tirsan ka dhow yihiin.

 

Goojooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON