Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Beledweyne ayaa diidmo adag kala kulmay odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan oo si cad ugu sheegay inaysan ogoleyn wareegtadii uu magaalada Jowhar ku dhigay gogosha maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Kulan xalay dhex maray labada dhinac ayay odayaasha ugu sheegeen madaxweynaha inuu ku degdegay go’aankiisa isagoo dhex galay shaqo ay iyagu lahaayeen isagoo og dadaalka Beledweyne ka socday ee marti gelinta shirka iyo inay tahay caasimadda maamulka labada gobol.
Madaxweynaha ayaa dadaal ugu jira inuu odayaasha ku qanciyo inay aqbalaan go’aankiisa oo uu ku sheegay mid laga fursan waayay, kadib markii muddo 4 bilood ka badan wax horumar ah laga sameyn waayay in heshiis lagu gaaro labadaas arrimood oo caqabad ku noqday in la bilaabo maamul u sameynta labada gobol.
Goobjooge.com