Monday, July 7, 2025

Madaxa Hay’ad Caalami ah oo ka digay inuu faraha ka baxayo Cudurka Covid-19 gudaha Somaliya

Mid ka mida madaxda Hay’adaha Caalamiga ah ee Samafalka, kana howlgala Soomaaliya ayaa ka digay in xaaladda cudurka Coronavirus ee Soomaliya ay qarka u saaran tahay inay faraha ka baxdo.

Agaasimaha Soomaaliya u qaabilsan Hay’adda International Rescue Committee(IRC) Mr. Richard Crothers ayaa sheegay inay arkaan in cudurka uu si weyn ugu fidayo dadweynaha dhexdooda, iyadoo Soomaaliya aysan awood u lahayn inay wax ka qabato xaalad caafimaad oo sidaas halis u ah.

“Xaaladda waxay qarka u saaran tahay inay faraha ka baxdo.. waxaan u jeednaa in cudurka ay is weyn isu qaadsiinayaan dadka, bulshada dhexdeedana uu ku fidayo..” ayuu yiri Richard Crothers oo wareysi siiyey Wargeyska New York Times, isagoo ka deyriyey xaaladda hay’adaha caafimaadka ee Soomaaliya ka jira oo awalba liitay.

Agaasimaha Hay’adda IRC ee Soomaaliya wuxuu sheegay in Soomaaliya ya horeyba u heysteen dhibaatooyin fara badan oo caalwaa’ ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON