Tuesday, June 24, 2025

Madaxda & Culimada Alshabab oo Fatwo kasoo saaray Doorashada Somalia, Coronavirus & Dagaalka Bariga Afrika

Alshabaab ayaa go’aan ka gaartay dagaalka ay kula jirto dowladda Federaalka iyo ciidamada shisheeye ee dalka ku sugan, kadib kulan muddo shan maalmood ah u socday oo ay ka qeyb galeen madaxda, culimada taageerta iyo odayaasha dhaqanka ururkaasi oo dib u qiimeyn ku sameeyay dagaalka ay ka wadaan Bariga Afrika.

Kulanka wadatashiga jidhaadka Bariga Afrika oo aan la sheegin halka uu ka dhacay ayaa waxaa kasoo baxay Bayaan ka kooban 14 qodob oo ku saabsan go’aanada ay gaareen Alshabaab ee quseeya arrimo xasaasi oo Alshabaab oo ay ugu muhiimsanayaan sharcinimada dagaalka ay wadaan, Doorashada dowladda Federaalka iyo arrimo kale.

Qodobadda kasoo baxay Alshabaab ee ku jira Bayaanka waxaa ka mida:

1- In Alshabaab ay sii xoojiyaan Jihaadka fardu-ceynka ee ay ku difaacayaan
Diinta, Dalka iyo Dadka Muslimiinta.

2- In Dowladda federaalka iyo maamullada gaaladu ka dhiseen qaybo kamid ah Soomaaliya ay yihiin Maamullo ridda ah, Diinta Islaamkana ka baxay, waajibna ay tahay in lala dagaalamo.

3- In ay xaaraan tahay kaqayb qaadashada Doorashada dimuquraadiga ah ee la doonayo inay ka qabsoonto deegaanada ay xooga ku heystaan Saliibiyiinta loogu yeero AMISOM.

4- In laga hortago waxa loogu yeero nidaamka Federaalka, oo ah qorshe ujeedadiisu tahay in lagu kala qoqobo dalka, colaadihii sokeeye lagu soo celiyo, wadankana loogu gacan geliyo gumeystaha Itoobiya iyo Kenya.

5- In aad looga digtoonaado qulqulka gaalada Itoobiyaanka ah ee soo galaya dalka, tiro badan oo kamid ahna ay saldhigteen qaar kamid ah magaalooyinka waaweyn ee dalka.

6- Waxaa bulshada Muslimka ah loogu baaqayaa inay ka digtoonaadaan cudurada faafa ee kusoo badanaya dunida sida Corona Virus iyo HIV-ga, taasoo ay faafinteedu kaalin lixaad leh ka qaadanayaan ciidamada dalka kusoo duulay, iyo dolwadaha gaalada ah ee taageerada siiya.

Kulanka waxaa ka dhex muuqday madaxda sare ee Alshabaab, culimada taageerta iyo odayaal dhaqameen geed-fadhi u ah, waxaana muuqata in kulankan uu ahaa kii ugu weynaa muddo sanado ah oo Alshabaab yeelato xilli khilaaf u dhaxeeyay qaar ka mida madaxda ururka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON