Thursday, April 18, 2024

Madaxda Dalalka IGAD oo Shir Muuqaal ah ka yeelanaya xaaladda Cudurka Coronavirus..

Madaxda dalalka IGAD ayaa shir ka yeelanaya xaaladda cudurka COVID-19 iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka lagula jiro.

Kulanka madaxda IGAD oo noqonaya mid muuqaalkooda la isku xiriirinayo (Video Conference) ayaa waxaa hagaya xoghayaha fulinta IGAD Dr Workneh Gebeyehu oo fadhiya xarunta IGAD ee magaalada Jabuuti, waxaana ka qeyb galaya madaxda dalalka Itoobiya, Soomaaliya, Jabuuti, Uganda, Kenya, Sudan iyo South Sudan.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa dhowaan xiriiro la sameeyay madaxda IGAD, isagoo kala hadlay sidii ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka lagula jiro cudurka COVID-19, wuxuuna so jeediyey kulan wadajir ah oo uga doodaan tallaabooyinka ay qaadi karaan.

Ad

Xoghayaha fulinta IGAD ayaa dhowaan isna shaaciyey madaxda IGAD ay maanta oo ah 30-ka March yeelan doonaan kulan khadka isgaarsiinta ah oo ku saabsan isku xirka iyo jawaab goboleed ee laga bixinayo ka hortagga COVID-19.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON