Friday, July 4, 2025

Madaxda Dowladda iyo Mucaaradka oo wadajir uga qeyb galay Janaasadii Marxuum Cali Mahdi (Sawirro)

Waxaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho saaka ka dhacay maamuus qaran oo loo sameeyay Janasada madaxweynihii hore ee Soomaaliya Marxuum Cali Mahdi Maxamed.

Meydka oo laga soo duuliyey magaalada Nairobi ayaa 10-kii subaxnimo kasoo degay garoonka, waxaana salaadda Janaasadda ka qeyb galay Madaxda dowladda Federaalka oo ay ka mid yihii madaxweynaha xilkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh, Cabdi Xaashi C/llaahi iyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Dhinaca kale waxaa janaasadda ka qeyb galay Madaxda Mucaaradka oo ay ugu horeeyaan Madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, C/raxmaan C/shakuur iyo musharixiinta mucaaradka intooda badan, xildhibaanno, wasiiro iyo mas’uuliyiin kala duwan.

Xaalad ka dhalatay ciidamada AMISOM oo u diiday Mushariixiinta ay ka mid yihiin Madaxweynayaashii hore inay ilaaladooda la galaan Garoonka ayaa ku dhowaad saacad ka taagneyd Garoonka Muqdisho, taasoo markii danbe la xaliyey markii ay AMISOM ogolaatay.

Waxaa lagu wadaa in Meydka mdaxweynihii hore Cali Mahdi lagu aaso cad dhul ah oo ku dhegan Masjid uu hore uga dhisay xaafadda Towfiiq, degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON