Monday, June 23, 2025

Madaxda Dowladda Somalia oo ka hadlay Geerida Abwaan C/llaahi Ciise (Sangub) oo ku dhintay Itoobiya.

Madaxda dowlada Somaliya sida madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa ka tacsiyadeedyay geeridii ku timid Abwaan C/llaahi Ciise Sangub oo ku geeriyooday magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub), “Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan murugada iyo tiiraanyada la qaybsanayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Singub) oo ku geeriyooday magaalada Addis Ababa. Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise waxa uu ahaa abwaan iyo jilaa Soomaaliyeed oo qayb libaax ka qaatay koboca fanka iyo wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed. Abwaanku waxa uu sidoo kale noqday askari ka tirsan Ciidanka Xoogga oo naftiisa u huray difaaca qarannimada iyo jiritaanka Soomaaliya..” ayuu lagu yiri qoraalka madaxweyne Farmaajo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh ayaa isna tacsi uu diray ku yiri: “Waxaan ka tacsiyadenaya geeridii ku timid Allah u naxriiste Abwaan Maxamuud Cabdullaahi Ciise Sangub waxan Alle ugu baryaya inuu Janadi Firdowsa ka waraabiyo Aaamin..”

Ad

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Somalia ayaa isna farriin tacsi ka diray geeridii Abwaan Sangub. “إنا لله وإنا إليه راجعون Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ummadda Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka baxay Abwaan Maxamuud Cabdulaahi Ciise Sangub. Waxa uu astaan u ahaa waddaniyadda. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxaiistiisa Janno ka waraabiyo” ayuuna ku yiri farriintiisa tacsida.

Wasiirka maaliyadda xukuumadda Somalia C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ereyadii tacsi ah ee uu u diray Abwaan Sangub waxaa ka mid ahaa: “الذين اذا اصابتهم مصيبة قالوا انا لله وانا اليه راجعون“ Allaaha u Naxariisto abwaan Maxamud Cabdullahi Ciise (Sangub) waxaan kaga tacsiyeynaa Ummada Somaaliyed iyo ehelki iyo qaraabada wuxuu ahaa qof u hurey waqti iyo dadaal badan Ummada Somalia

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON