Madaxda dowladda Soomaaliya sida Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan iyo xubno labada Gole ee dowladda ayaa saaka oo ah maalintii koowaad ee Ciidul Fitriga kula tukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee Magaalada Muqdisho.
Madaxda waxaa ku wehliyay salaada ciida boqolaal ruux shacab ah oo ka kala yimid Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu horen Hambalyo ku aadan Munaasabadda Ciidda u diray Shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan,waxaana uu Alle uga baryay in Sanadkaan kiisa kale uu Caafimaad iyo Nabad ku gaarsiiyo ummadda Soomaaliyeed.
Guud ahaan Gobollada iyo maamulada dalka ayaa maanta oo Arbaco ah looga dabaal degayaa si isku mida ciidul fitriga iyadoo ay ka mid ciidaha yar ee aan la isku khilaafin.
Goobjooge.com