Madaxda maamul Goboleedyada dalka qaarkood ayaa maanta xarunta safaaradda Ingiriiska ee magaalada Muqdisho kula kulmay xoghayaha Arrimaha dibadda ee dalkaasi oo socdaal 7 saacadood qaatay ku yimid Muqdisho.
Madaxda maamulada dalka ee la kulmay Xoghaye Boris Johanson waxay kala ahaayeen: Shariif Xasan Sheekh Aadan, madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cali C/llaahi Cosoble, Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Madaxweynaha Jubba Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya iyo taageerada UK ka geysaneyso iyadoo madaxda qaarkood ay Muqdisho u joogeen kulankan, waxayna safaaradda UK ee Muqdisho ku sheegtay inuu ahaa kulan ay Shaah wada cabeen madaxda maamulada iyo wasiirka.
Madaxweynayaasha maamulada dalka ayaa dowladihii hore caado ka dhigtay inay ka kulmaan madaxda timaada dalka oo ay barbar socdaan madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, taasoo noqotay caado siyaasadeed sii socota oo dowlada cusub la kowsaneyso.
Xubnaha kale ee Boris Johanson la kulmay waxaa ka mida: xildhibaanada Soomaalida ee heysta dhalashada UK, Madaxda AMISOM, Q/Midoobay iyo ciidamada UK ka jooga Soomaaliya.