Madaxda maamulka Hirshabeelle ayaa dib ugu noqonaya xarunta maamulkaasi ee magaalada Jowhar kadib muddo laba bilood ay oo Muqdisho salka dhigteen doorashadii Soomaaliya darteed.
Madaxweynaha maamulka Cali C/llaahi Cosoble, ku xigeenkiisa Cali Guudlaawe, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo kuxigeenkiisa koowaad ayaa dhammaantood ku sugnaa magaalada Muqdisho.
Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in madaxdaasi lag sugayo inay dib uga shaqo bilaabaan xaruntooda iyadoo howsha ugu horeysa ee hortaalla ay tahay magacaabidda golaha wasiirada maamulka Hirshabeelle.
La-tashiyada magacaabidda golaha wasiirada maamulka Hirshabeelle oo hore u bilowday ayaa laga cabsi qabaa inay waqti badan qaadato iyadoo horeba muddo saddex bilood ah ay dib u dhacday.
Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle ayaa sheegay inay wadaan mooshin ka dhan ah madaxweynaha maamulka oo ay ku eedeeyeen waxqabad la’aan iyo inuusan ku shaqeyn xaruntii maamulkiisa.
Goobjooge.com