Thursday, June 26, 2025

Madaxda Madasha oo isku qabtay dib u dhigista waqtiga Doorashada 2016

Madaxda Madasha Qaran ayaa isku haya waqtiga dib loo dhigayo Doorashada 2016 oo maanta ay baaqay xaflad lagu waday in Guddiga Doorashada Dadban uu shaaciyo.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in qaar ka mida madaxda Madasha ay qabaan in waqti dheer loo baahan yahay oo aanay suuragal ahayn in muddo bil ah mar kasta dib loo dhigo.

madasha-16-1Madaxweynaha Puntland  C/weli Gaas ayaa shaki ka muujiyay waqtiga cusub ee Guddiga Doorashada Dadban uu dalbaday oo muddo bil ah dib u riixeysa doorashada madaxweynaha, isagoo faahfaahin dheeraad ah ka doonaya Guddiga.

Madaxweynaha K/Galbeed Shariif Xasan  ayaa la sheegay inuu doonayo in doorasha ay qaadato waqti kale ila Disember 2016, maadama xaaladda aanay saamaxeynin in labada aqal la soo doorto waqtiga yar ee Bisha ah oo ay qabsadeen Guddiga Doorashada.

Wadahadallo qadka telefoonka ah ayaa socday shalay iyo xalay oo dhan iyadoo aan la isku hayo in waqtiga la kordhinayo uu noqdo bil ama 2 bilood. Waxaase la filayaa go’aan cusub uu maanta soo baxo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON