Dowladda Soomaaliya ayaa madaxda saddex maamul Goboleed ka qeyb gelisay Shirka Caalamiga ah ee Iskaashiga Soomaaliya oo maalintii labaad ka socda xarunta Xalane ee caasimadda Soomaaliya.
Madaxweynayaasha K/Galbeed, Hirshabelle iyo Galmudug C/casiis Xasan Maxamed, Maxamed Cabdi Waare iyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf, sida ay u kala horeeyaan ayaa maanta ku biiray shirka, iyadoo madaxweynaha xilka sii haya ee Galmudug ay ku guuleysatay dowladda Federaalka inay ku qanciso ka qeyb galka shirka, kadib markii uu maalin ka hor ka hor yimid qorshaha dowladda ee Galmudug.
Wararka atyaa sheegay in Xaaf oo dowladda ay ka cago jiideysay fulinta heshiisyo hoose oo ay la gashay hadda loo balllanqaaday in loo fuliyo ballanqaadaasi, waxaana dadaallo socday muddo 24 saacadood ah kadib lagu qanciyey inuu shirka ka qeyb galo oo uu taageero qorshaha dowladda Somalia ee Galmudug.
Waxaa kaloo shirka maanta ka qeyb galaya guddoomiyaha G/banaadir Cumar Maxamud Maxamed (Filish), iyagoo uu goobjoog yahay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Madaxda Maamul Goboledyada ayaa khudbado ka jeedinaya shirka, waxaana dadka ku qornaa ka mida madaxweynaha Puntland iyo wasiirka Maaliyadda Jubbaland C/rashiid Jire Qalinle.
Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa ka baaqsaday ka qeybgalka shirka Muqdisho isagoo taageeraya madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan oo dib u doorashadiisa ay sharci darro ka dhigtay dowladda Federaalka Soomaaliya.