Wararka laga helayo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya inuu socdo qorshe xilalka looga qaaadayo madax sare oo ka tirsan hay’adaha Garsoorka Dalka.
Guddi Madaxweyne Farmaajo dhowaan u magacaabay kasoo talobixinta xaaladda maxaabiista ku jira xabsiga dhexe ayaa warbixin naxdin leh ka keenay xabsiga oo ay ka mid yihiin in dhibanayaal u xiran yihiin dacwado ay ahayd in dembiilayaasha la xiro, isla markaana awood loo adeegsado Garsoorka.
Xubin ka tirsan Guddiga oo lagu magacaabo Mukhtaar Nuur Abuukar ayaa ku eedeeyay maxkamadda sare iyo xeer ilaalinta inay waajibaadkoodu ka gaabiyeen taas bedelkeedna ku kacaan falal sharci darro ah iyo laaluush.
Wararka ayaa sheegaya in inta badan garsoorayaasha maxkamadda sare xilalka laga qaadayo, waxaa kaloo miiska saaran xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir.
Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaan weli isbedelkiisa gaarin hay’adaha Garsoorka, wuxuuna dhowaan u hanjabay hay’adaha garsoorka iyo garsoorayaasha, isagoo ballanqaaday inuu isbedel ku sameyn doono.
Arrintan ayaa laga yaabaa inay dib u dhac ku keento xiisada ka dhex oogan maxkamadda sare ee dalka iyo Baarlamaanka Federaalka oo ku saabsan sharcinimada 8 ka mida xildhibaanada Baarlamaanka.
Goobjooge