Monday, June 23, 2025

Madaxdii Ahlu suna ee Sheekh Shaakir, C/samad Macalin & xubno kale oo gaaray Magaalada Garowe.

Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in madaxdii ugu danbeysay Ahlu suna ee ku sugneyd magaalada Dhuusamareeb ay gaareen magaalada Garowe oo uu hore ugu sugnaa hoggaamiyihii Ahlu suna Macalin Maxamuud Sh. Xasan.

Xubno ay ka mid yihiin Sheekh Shaakir Cali Xasan madaxii hore ee Xukuumada Galmudug iyo C/samad Macalin Maxamuud wasiirkii hore ee arrimaha gudaha oo uu dhalay hoggaamiyaha Ahu suna ayaa la sheegay inay xalay xili dambe ka baxeeny Magaalada Dhuusamareeb, iyagoo saaka safar dhulka ah ku gaaray magaalada Gaalkacyo, ugana sii gudbay Garowe.

Waxaa kaloo Sheekh Shaakir iyo C/samada Macalin Maxamuud la socda xubno ka mida baarlamaankii Ahlu suna ee Galmudug iyo qaraabada hoggaamiyaha Ahlu suna, iyadoo socdaalkooda la sheegay inay Garowe kula kulmayaan Macalin Maxamuud.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON