Madaxda maamulka Hirshabeelle ee deriska la ah caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa gebi ahaantood isaga huleelay magaalada xaruntooda magaalada Jowhar.
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble, ku xigeenkiisa Cali C/llaahi Xuseen (Guudlaawe), Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi Cismaan Barre iyo guddoomiyihii gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa dhammaantood ku sugnaa xaflad shahaadooyin lagu siiyay xildhibaanadii lagu doortay magaalada Jowhar.
Ma jiro mas’uul ku garay magaalada Jowhar, waxayna ahayd markii ugu horeysay ee arrintaasi ay dhacdo inay dhammaan madaxda maamulka Hirshabeelle ay ka wada socdaalaan magaalada Jowhar iyo xaruntii shaqadooda inkastoo madaxweyne Cali C/llaahi Cosoble uu Muqdisho ku sugnaa in ka badan toddobaad.
Goobjooge.com