Sarkaal sare oo ka tirsanaa Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya, kana howlgala Garoonka Diyaaradaha magaalada Gaalkacyo ayaa xalay lagu dilay Waqooyiha Gaalkacyo.
Sarkaalka oo lagu magacaabi jiray Cismaan Xuseen Xaaji Ismaaciil (Farey), ayaa ahaa madaxa xafiiska socdaalka garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo, waxaana koox hubeysan ay ku dileen xalay xilli uu ku jiray weysada saladii Maqrib gudaha Masjidka Hudda xaafadda Israac ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo.
Alshabaab ayaa sheegtay dilka Mas’uulkan, waxayna Wararka ay saaka soo saartay ku sheegtay inay ka dambeysay dilka Fareey Xuseen Xaaji oo kamid ahaa saraakiisha dowladda.
Magaalada Gaalkacyo ayaa ka mida magaalooyinka ay ka dhacaan dilalka ugu badan ee Alshabaab ka geysato degaannadda Puntland ka taliso.