Wednesday, June 25, 2025

Madaxii is-maamulka Oromada oo la filayo inuu noqdo Ra’iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya [Soomaalida oo cabsi ka muujisay…]

Hoggaamiyaha is maamulka Oromada ee dalka Itoobiya Lemmy Megersa oo sidoo kale ah hoggaamiya xisbiga OPDO oo ka mida isbaheysiga talada haya e EPRDF ayaa lagu wadaa inuu noqdo Ra’iisal wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya.

Lemmy Megersa ayaa waxaa ka muuqda ifafaale ku saabsan inuu isu diyaarinayo xilkan oo markii ugu horeysay haddii ay dhacdo noqoneysa oo hoggaamiye kasoo jeeda dadka Oromada ah oo u badan Itoobiya ay xilkaasi qabtaan.

Ninkan ayaa noqonaya guddoomiyaha xisbigiisa OPDO waxaana sidoo kale la filayaa inuu noqdo hoggaaminaya isbaheysiga talada haya ee EPDRF, xilkaasi oo uu banneeyay Ra’iisal wasaarihii is casilay ee Haile Mariam Desalegn, taadoo dhabaha u xaareysa in shirweynaha soo socda ee isbaheysiga xilkaasi loogu doorto.

Soomaalida Itoobiya ayaa cabsi ka muujineysa inuu Lemmy Megersa noqdo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya isagoo madax ka ahaa ismaamulka Oromada oo si aan wanaagsaneyn ula dhaqmay Soomaalidii lagu laayey degaankiisa Oromada.

Musharixiin kale ayaa jira oo xilkan ugu cadcad, waxaana ka mida Debretsiyon Gebremikael oo katirsan xisbiga TPLF, iyo Demeke Makonnin oo kasocda dhaqdhaqaaqa qaran ee Amxaaradda ee dimuqraadiyadda iyo Abiyi Ahmed, oo isna katirsan OPDO.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON