Monday, June 23, 2025

Madaxtooyada & Hay’adda NISA oo xildhibaano kasoo jeeda Gobolka Gedo ka hor istaagay inay tagaan Gobolkaasi

Qaar ka mida xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda Gobolka Gedo ayaa sheegay in Hay’adda Sirdoonka ee NISA iyo Madaxtooyada Soomaaliya ay ka hor istaageen inay tagaan Gobolka Gedo, iyagoo kusii jeeday Magaalada Baardheere.

Sadex xildhibaan oo ayuu ka mid yahay Xildhibaan Cabdullaahi Yuusuf Xasan ayaa sheegay in laga hor istaagay inay garoonka Muqdisho oo muddo laba maalmood ah ka soo noqdeen, iyadoo loo sheegay in xayiraad ay saaran tahay diyaaradaha taga Gobolka Gedo, balse diyaaradihii shacabka ay dowladda ciidamo uga daad gureysay Baardheere iyo Garbahaarey iyagoo geyneysa luuq si ay u qabsadaan Doolow iyo Beledxaawo oo Jubbaland ay ka taliso.

Xildhibaannadan ayaa ku eedeeyay Madaxtooyada ay bixisay amarka lagu xayiray ayna fulisay NISA, iyadoo loo diidan yahaty inay soo arkaan xaaladda Gobolka Gedo, iyadoo sidoo kale ka hadlay xaaladda Wasiirkii Amniga Jubbaland ee la sheegay inuu ka baxsay dowladda Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON