Saturday, July 12, 2025

Madaxtooyada Kenya oo War kasoo saartay Booqashadii Uhuru Kenyatta ee Degmada Dhoobley

Madaxtooyada Kenya ayaa beenisay in socdaalkii madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta shalay ku tegay degmada Dhoobley ay abuurtay xiisad diblomaasiyadeed.

Manoah Esipisu oo ah Afhayeenka Madaxtooyada Kenya ayaa beeniyay inay jirto xiisad diblomaasiyadeed oo labada dal dhex taalla, wuxuuna intaas ku daray in ay caadi tahay booqashadii Uhuru Kenyatta ugu tegay ciidamada Kenya ee Soomaaliya ku sugan.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id ayuu afhayeenka madaxweynaha Kenya caddeeyay inay muhiim ahayd in madaxweynaha uu taageero la garab istaago ciidanmadiisa ku sugan Soomaaliya, basle meesha kama saarin inaan la ogeysiin dowladda Soomaaliya.

Ilo ku dhow madaxtooyada ayaa sheegay in socdaalku ahaa mid la yaab leh oo aan haba yaraatee lagu soo wargelin dowladda Soomaaliya, iyadoo ay ka caroodeen madaxda Soomalida.

Lama oga inay arrintan saameyn ku yeelan doonto booqashada lagu wado in madaxweyne Farmaajo ku tago Kenya oo mid rasmi ah oo saddex maalmood qaadan doonta.

Goobjooge.com

SAWIRRO: Madaxweynaha Kenya oo booqasho qarsoodi ah ku yimid Soomaaliya [Maxay ka ogeyd dowladda Somalia..?]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON