Saturday, July 12, 2025

Madaxtooyada oo faragelisay Guddoonka Aqalka Sare (Guddoomiye ku xigeenka 2aad oo ka hor yimid..)

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Baarlamaanka Mowliid Xuseen Guhaad ayaa eedeyn u jeediyey guddoomiyaha Aqalka Sare, isagoo sheegay inuu diiday in la dedejiyo sharciyada Doorashada Dalka.

Guddoomiye ku xigeenka labaad Mowliid oo ku doodaya in waqtiga la heysto uu yar yahay iyo heshiis ay galeen labada guddoon oo ahayd inay wada shaqeeyaan labada aqal oo wadajir u ansixiyaan sharciyada Doorashada, iyadoo uu sheegay in Cabdi Xaashi uu diiday, ayna isku mari waayeen sidii ay wadajir ugu shaqeyn lahaayeen.

“Cabdi Xaashi wuxuu qabaa in shuruucda adag ee xeerarka Doorashooyinka ay marka hore ansixiyaan Golaha Shacabka, kadibna Aqalka Sare uu ansixiyo, taasoo keeni karta halis dib u dhac, laguna jebiyey heshiis ay gaareen labada guddoon..” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka labaad oo caddeeyay inay dhabarjab ku tahay arrintan Doorashada Dalka.

Sawirro:-Maxaa looga hadlay kulanka Guddiga joogtada ee Golaha ...

Wuxuu kaloo sheegay in Guddoomiyaha Aqalka Sare uu shirkii Guddiga joogtada ah u bedelay mid lagu qabtay Khadka Internerka ee ZOOM-ka iyadoo ay Muqdisho joogaan xoghayeyaal iyo guddoomiye ku xigeeno, wuxuuna ku eedeeyay guddoomiyaha Aqalka Sare inuu keligiis ku takri falay awoodii Aqalka Sare, uuna sharci darro yahay kulanka uu maanta qabtay.

Xogta aanu heleyno ayaa sheegaysa in Madaxtooyada Soomaaliya oo u ololeysa in Doorashada ay go’aan ka gaaraan Baarlamaanka Federaalka oo kaliya ay ku riixday guddoomiye ku xigeenka labaad inuu khilaaf kala hor yimaado Aqalka Sare.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON