
Madaxweynaha maamulka Ahlu suna ee Gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ee ka taliya degmooyinka Dhuusamareeb Iyo Guriceel ayaa sheegay inay maamulkiisu qaadaceen shirka wadatashiga hiigsiga cusub ee maanta ka furmaya magaalada Muqdisho, isagoo caddeeyay inuusan shirkaasi quseynin.
Wuxuu ku eedeeyay dowladda Federaalka inaan wax tixgelin ah laga siin maamulkiisa, islamarkaana wixii soo baxa aanay haba yaraatee saameyn ku yeelan doonin.
Sheekh Shaakir wuxuu kaloo sheegay in beesha caalamka u caddeeyeen mowqifkooda shirkaasi, shirkuna yahay mid aan loo dhameyn oo dad gaara ku kooban.
Maamulka Ahlu Suna ayaanay jirin cid weli aqoonsan marka laga reebo Itoobiya oo si hoose u taageerta, waxayna kooxda Ahlu suna ee gobolada dhexe ka mid tahay dhibaatooyinka aan xalka loo helin.
Goobjooge.com