Tuesday, June 24, 2025

Madaxweynaha oo amray hay’adaha dowladda inay la shaqeeyaan Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay xaflad lagu dhaarinayey guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee dalka ee uu madaxweynahu magacaabay.

Xafladda lagu dhaariyey guddoomiyaha cusub ee Maxakmadda sare ee dalk Dr. Ibraahim Iidle Suleymaan oo ka dhacday xarunta madaxtooyadda, ayaa waxaa goob joogka ahaa, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Cadaaladda, Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda, Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Taliyayaasha Ciidamadda Boliiska iyo Nabad Sugidda.

Madaxweynaha Jamhuriyaddaa Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal kooban ka jeediyey xafladda dhaarinta ayaa faray dhammaan hey’dahaha dowladda in ay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub ee Maxakmadda sare.

“Wasaaradda Cadaaladda, Xeer-ilaalinta iyo hey’adaha amniga waxaan farayaa in ay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub.Waxaan rajerynayaa in shacabka Soomaaliyeed tabashooyinkii uu ka qabay garsoorka in badan oo ka mid ah xal loo heli doono, waxaan ku bogaadinayaa guddoomiyaha cusub inuu wajaho tabashooyinbkaas dadku ay qabaan ” ayuu yiri Madaxweynaha .

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiira-geliyey guddoomiyaha cusub, waxuuna u ballan qaaday in dhammaan hey’adaha dowladda ay kala shaqeyn doonaa howlaha loo egmaday.

DAAWO SAWIRRO

madaxweye01

madaxweye02

madaxweye03

madaxweye04

madaxweye05

madaxweye06

madaxweye07

Xafiiska Madaxtooyada

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON