Thursday, May 2, 2024

Madaxweynaha cusub ee Kenya oo maanta lagu dhawaaqayo (Akhriso Natiijadii ugu danbeysay)

Waxaa la filayaa in maanta lagu dhawaaqo natiijada cod bixinta doorashada guud ee dalka Kenya, kadib 6 maalmood oo la sugayey natiijada Doorashada.

Guddiga Mdaxa bannaan ee Doorashooyinka Kenya ayaa isu diyaarinaya inuu shaaciyo go’aanka rasmiga ah ee ugu danbeeya cidda ku guuleysatay madaxwerynaha dalka Kenya oo ay si adag ugu tartameen Guddoomiyaha Isbaheysiga Mucaaradka Raila Odinga iyo Madaxweyne ku xigeenka dalkaasi Willaim Ruto.

Natiijadii ugu danbeysay ee rasmi ah ayaa muujisay inuu ku horeeyo William Ruto oo heystay 51%, halka Raila Odinga oo heysto 48%, waxaa harsan in lagu dhawaaqo natiijada, kadib markii ay dhammaatay howshii xaqiijinta codadka la dhiibtay.

Ad

Waxaa istaagta shaqadii Miisaska loo isticmaalay xaqiijinta natiijada, waxaana laga saaray goobta Guddiga Doorashada ee tirinta codadka, waxaana socda in Goobtaasi loo diyaariyo ku dhawaaqista natiijada Doorashada dalkaasi oo dhacday 9 Ogost 2022. Guddiga Doorashada ayaa sheegay in natiijada Doorashada la shaacin doono 3:00 Galabnimo ee maanta.

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa codbixintii ugu dambeysay ku hogaaminaya ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga. Sida uu qabo sharciga Kenya, natiijada waa in lagu dhawaaqaa 16ka Ogosto.

Axadii, Mr Odinga iyo Ruto labaduba waxay ku booriyeen dadka Kenyaanka ah ee walaacsan inay dulqaad muujiyaan inta ay sugayaan guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC si ay u go’aamiyaan midkood uu noqon doono madaxweynaha shanaad ee dalka.

- Advertisement -

Saxaafada Kenya ee la socota doorashada ayaa shaacisay natiijooyin kumeelgaar oo laga helay 46,000 Goob oo codadka laga dhiibtay, Natiijada waxay muujisay tartan adag, iyadoo la tiriyay in ku dhow ​14 milyan oo cod.

Waxaa jirta cabsi ah in musharaxa laga guuleysto uu diido inuu aqbalo natiijada cod bixinta, taasina ay dhaliso qalalaase, sida dhacday doorashooyinkii hore ee dalka Kenya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON