Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug ee goor dhow ka bilaabatay magaalada Dhuusamareeb waxay ka mid thay doorashooyinka lasii ogyahay cidda ku soo bixi doonto.
Madaxweynaha dooran ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) waxaa wadata dowlada Federaalka Soomaaliya, isagoo ka mid ka ahaa wasiirada xukuumadda Ra’iisal Wasaare Kheyre, waxaana lagu bixiyey dadaalkii ugu weynaa iyo qarash si uu xilkaasi ugu soo baxo.
Doorashada waxaa kaloo xiiso la’aan ka dhigay, iyadoo ay qaadaceen musharixiintii mucaaradka, taasoo keentay in musharixiin kale oo saaxiibo la ah Madaxweynaha dooran xilli danbe ay dowladu soo sharaxdo (Mal-xiisayaal), si aanu keligiis u tartamin, taasoo muujisay heerka ay gaarsiisan tahay in doorashadan ay noqoto mid dhinac ka rarran.
Tartanka waxaa ku wada jira musarixiinta kala ah:
1: Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor)
2: Cabdiraxman Axmed Sabriye
3: Axmed Shire Maxamed (Falagle)
4: Axmed Cabdullaahi Samatar.
Ninka dooran -Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye- ee saacadaha soo socda lagu dooranayo Dhuusamareeb, inkatoo uu ahaa musharixii dowladda Soomaaliya oo qorshaha oo dhan loo waday si loogu soo saaro, haddana waa musharaxa kaliya ee kharash u qeybiyey xildhibaannada Galmudug si codkooda uga iibsado.
Doorashada maanta ee Dhuusamareeb waxay uga duwan tahay Doorashadii Baydhaba ee Disembar 2018 inuusan dhiig ku daadan ilaa iminka, laakiin waa tusaale kale oo caddeynaya nooca doorasho ee madaxda dowladda Federaalka ay doonayaan inaymar kale xilka dib ugu soo laabtaan.
Waxay kaloo doorashadan muujineyaa heerka musuq ee uu gaaray dhaqanka siyaasiyiinta Soomaalida iyo madaxda xilka heysa oo marba marka kasii danbeysa kasii daraya, haddiiaba siyaasi ogol yahay inuu musharax beenaalle noqdo.
FAALLADA GOOBJOOGE.NET