Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa maanta gaaray degaanka Af-barwaaqo ee Bariga Gobolka Mudug, halkaasoo ay dhowaan ku dagaalameen ciidamada Galmudug iyo kuwa maamulkiisa.
C/kariib Guuleed iyo wafdiga la socday oo ka mida labada Gole ee maamulka Galmudug ayaa waxaa soo dhoweeyay dadka degaanja iyo madaxda degaankaasi oo ay horkacayaan saraakiisha ciidamada ee degaankaasi ka howlgalay.
Madaxweynaha Galmudug ayaa dadka degaanka Af-barwaaqo uga mahad celiyay sidii ay u garab istaageen ciidamada Galmudug iyo gacantii ay ku siyeen dagaalkii lala galay kooxda Al-shabaab.
Wafdiga madaxweynaha Galmudug ayaa la filayaa inuu booqdo furimaha dagaalka ee Ciidamada Galmudug ku sugan yihiin, waxayna arrintan ku soo beegantay iyadoo maamulka Galmudug ku dhawaaqay inay soo afjareen dagaalkii ay kula jireen kooxda Al-shabaab ee kasoo gudubtay Puntland.
Goobjooge.com