Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa la kulmay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo ka gadoodsan tallaabo uu qaaday Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulkaasi Maxamed Nuur Gacal.
Khilaafka Guddoomiye Gacal iyo qaar ka mida xildhibaannada Galmudug oo muddo soo jiitameyay ayaa waxaa sii qarxiyey go’aankii uu xalay soo saaray Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo fadhiyadii Baarlamaanka ee kalfadhiga 2-aad iyo gunnadii looga joojiyey xildhibaan C/llaahi Axmed Calasow oo sidoo kale ah Wasiiru dowlaha Amniga.
Xildhibaannada gadoodsan ayaa u tegay Madaxweyne Axmed Qoorqoor, waxayna u bandhigeen inuu arrintan soo dhex galo ama ay mooshin ka diyaarinayaan Guddoomiye Gacal oo ay ku eedeeyeen ku takrifal awood iyo inuu ku dhaqaaqay tallaabo sharci darro ah oo khalkhal ku keeni karta Baarlamaanka Galmudug.
Madaxweynaha Galmudug ayaa la sheegay inuu codsaday waqti la siiyo si uu arrinta xal ugu raadinayo in xiisada la dejiyo.
