Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa wareegto uu caawa soo saaray ku magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Racfaanka iyo Maxkamadaha gobolada Mudug iyo Galgaduud iyo ku xigeenada Xeer Ilaaliyaha Guud ee Galmudug.
Xubnaha la magacaabay ayaa ka mid noqonaya Garsoorka Maamulka Galmudug oo ee dhismaha ku socda, waxaana mas’uuliyiinta la magacaabay ay kala yihiin:
1- Saciid C/raxmaan Shiikh: Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobalka Galgaduud
2- Maxamed Cabdi Kadiye : Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Galgaduud.
3- Jimcaale Cali Salaad : Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Mudug.
4- Cabdirisaaq Cali Yusuf : Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Mudug.
5- Cabdullaahi Cali Cumar : Ku-xigeenka Xeer ilaaliyaha guud ee DGM.
6- Cabdixakiin Maxamed Xirsi : Ku-xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee DGM.
