Wednesday, June 25, 2025

Madaxweynaha Galmudug oo War kasoo saaray Dilkii Guddoomiyaha Galgaduud [Akhriso]

Maamulka Galmudug ayaa War Cad ka soo saaray dilkii Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud Maxamed Daahir Cali.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa lagu dalbaday in  dowladda Federaalka ay baaritaan ku sameyso dilka Guddoomiya, sharcigana hor keenaan dadkii ka dambeeyay falkan.

HOOS KA AKRISO WARKA

Innaa Lillaahi wa inaa ileyhi Raajicuun, Madaxweynaha  Dowlada  Goboleedka  Galmudug, Madxweyne kuxigeenka Galmudug iyo  labada gole ee dowlad goboleedka Galmudug ,  waxay  tacsi tiiraanya leh u dirayaan   qoyskii, qaraabadii iyo dhamaan shacabka  dowlad goboleeedka Galmudug oo ay ka geeriyooday Allaha ha u naxariistee gudoomiyihii Gobolka Galgaduud marxuum Maxamed dahir Shiikh Cali Cilmi iyo walalkiis marxuum En. Xasan Shiikh Cali Cilmi oo xalay kooxo hubeysan oo dhagar qabayaal ah ay ku dileen magaalada muqdisho,gaar ahaan xafada Carafaad  waxaana  dishay gacan ka xaqdaran, runtii geerida ku timid gudoomiyaha iyo walalkiisba  waa mid si gaar ah noo taabaneysa.

“Innaa Lillaahi wa Inaa Ileyhi Raajicuun. Dhammaan Dowlad Goboleedka Galmudug   waxay tacsida iyo  tiiraanyo la wadaagayaan ilaahna uga barya yaan qoyskii, eheladii iyo dhammaan dadka reer Galmudug oo ay kabaxeen labada marxuum in ilaah samir iyo iimaan ka siiyo iyagana  raxariistiisa Janno ka waraabiyo.

Ugu danbeyntii dowlad goboleedka Galmudug waxa ay ugu baaqeysaa dowlada federaalka ee soomaaliya  in ay baaritaan ku sameyso soona qabtaan dadkii ka danbeeyay dilkii xalay loo geystay gudoomiyihii gobolka galgaduud iyo walal kiis  isla markaana Cadaalada la horkeeno.

Aamiin, Aamiin, Aamiin

Xafiiska Madaxweynaha Galmudug

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON