Wednesday, June 25, 2025

Madaxweynaha Galmudug oo xaalad culus kasoo wajahday Wasiiradii uu magacaabay

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa xaalada culus kasoo wajahday Golihi wasiirada ee uu xalay ku dhawaaqay.

Madaxweyne Xaaf ayaa dib u soo celiyay inta badan wasiiradii hore ee maamulkii C/kariin Guuleed, iyadoo ay arrintaasi uga digeen xildhibaanada Galmudug, waxaana qaar ka mida xildhibaanada ay ku goodiyeen inay ogolaan doonin shaqeynta wasiiradii hore.

Axmed Yuusuf Ciyow oo ka tirsan Xildhibaanada Galmudug ayaa sheegay in horay madaxweyne Xaaf ugu caddeeyeen  inaysan aqbali doonin haddii uu dib u soo celiyo Wasiiradii hore, taasoo uu ka madax adaygay.

Madaxweyne Xaaf oo muddo saddex bilood ah aan tallaabo ah oo la taaban karo qaadin, isla markaana ku fashilmay inuu isbedel ku sameeyo xukuumadda maamulkaasi ayaa hadda wajahaya xildhibaano bartay inay xilka ka qaadaan madaxweynaha maamulkooda, waxaana shaqo adag oo ah raaligelinta xildhibaanadii doortay.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON