Monday, June 23, 2025

Madaxweynaha Galmudug oo xilkii ka qaaday Taliyaha NISA ee Maamulkiisa [Akhriso Wareegto]

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa xilkii ka qaaday Taliyaha Nabadsugidda Galmudug.

Wareegto uu ku saxiixnaa madaxweye Xaaf oo lagu taariikheeyay 21-kii bishan ayaa xilkii looga qaaday taliyaha nabadsugidda Galmudug Cali Cilmi Yuusuf (Ilakacase), iyadoo madaxweyne Xaaf ku eedeeyay taliyaha amar diido iyo xil gudasho la’aan.

Arrintan ayaa soo baxday sida wararku sheegayaan kadib markii taliyaha NISA ee Galmudug uu diiday inuu ku shaqeeyo rabitaanka Madaxweyne Xaaf lana safto si uu tallaabo uga qaado madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug.

Ad

Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Galmudug ayaa sii kordheysa xilli ay madaxda sare ee maamulkaasi isku khilaafeen go’aankii madaxweyne Xaaf ku taageeray isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka.

AKHRISO WAREEGTO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON