Madaxweyna maamulka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble oo ku sugan Muqdisho ayaa difaacay Golaha wasiirada ee uu dhowaan soo magacaabay, ayna ka hor yimaadeen xildhibaano iyo beelaha maamulkaasi.
Wuxuu sheegay in golaha wasiirada uu ku magacaabay la-tashiyo uu la sameeyay Xildhibaannada Hirshabeelle, iyo Xildhibaannada Federaalka Soomaaliya, talooyinkooduna uu ku soo dhisay Golaha Wasiirada.
Wuxuu caddeeyay in haddii tabasho ay jirto la saxi karo, laakiin aysan habooneyn in Xildhibaannada ay warbaahinta ay ka naqdiyaan Xukuumadiisa, iyagoo awooda inay wixii khalad ah ku saxaan Baarlamaanka dhexdiisa.
“Sax Ma aha Xildhibaanka haddii uusan noqon wasiir in uu ka soo horjeesto Xukuumadda la dhisay, Xildhibaanno mudnaa Wasiiro iyo Wasiir ku xigeenno in ay helaan way jiraan oo waxaan u hambeynay in shaqada baarlamaanka ay sii wadaan…” ayuu yiri Cali C/llaahi Cosoble oo weerar ku qaaday xildhibaanada ku kacsan.
Wuxuu ka digay in lagu mashquulo is cambaareyn, isagoo sheegay in beeshii aan helin wasiiro ay heli doonaan Jagooyin kale sida Agaasima guud, laakiin aysan suuragal ahayn in cid kastaa wasiir laga dhigo, sida uu yiri.
Goobjooge.com