Madaxweynaha cusub ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa difaacay in dowladda Federaalka ay maamusho siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.
Madaxweynaha dhowaan la doortay ee aan la caleemo saarin Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in dowlada Federaalka ay xaq u leedahay siyasadda dibadda, iyadoo maamul goboleedyadu ay ku leeyihiin uu yahay talo bixin.
“Xiriirka Caalamiga ah waxaa iska leh Dowlada Federaalka, Doorka maamul goboleedyada uga furan waa talo bixin, waa farsamo waa danahooda iyo mashaariicdooda ay soo gudbiyaan..” ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan magaalada Beledweyne.
Wuxuu caddeeyay inay muhiim tahay dhowrista dastuurka dalka u yaala oo kala qeexaya awoodaha Dowlada Dhexe iyo Maamul Goboleedyada, wuxuna wareysi ay la yeelatay idaacadda VOA-da ku sheegay in mowqifka dhexdhexaadka ee dowlada Federaalka aka qaadatay arrimaha khaliijka uu dan u yahay mid ka mida labada labada dhinac ee iskhilaafsan.
Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horeeyay maamul Goboleeyada dalka oo taageera dowladda Federaalka oo khilaaf ka heysto madaxda maamullada dalka.