Monday, July 14, 2025

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Guddoomiye cusub u magacaabay Gobolka Sh/Dhexe

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble oo maanta dib ugu laabtay magaalada Jowhar ee xarunta maamulkiisa ayaa guddoomiye u magacaabay Gobolka Shabeelada Dhexe.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa xilka Guddoomiyaha maamulka gobolka Sh/dhexe  si rasmi ah ugu magacaabay Guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee hore isla markaana ahaa kusimaha Axmed Meyre Makaraan.

Axmed Meyre ayaa si kumeelgaara xilkan u sii hayay tan iyo intii guddoomiyihii hore ee gobolka Cali Guudlaawe uu noqday madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle.

Cali C/llaahi Cosoble oo muddo la badan laba bilood ku sugnaa magaalada Muqdisho, qeybna ka ahaa ololaha doorashada ayaa weli laga sugayaa golaha Wasiirada maamulkiisa.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON