Wednesday, June 25, 2025

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Guddoomiye u magacaabay Mas’uul ka baxsaday dowladda Federaalka

Maamulka Hirshabelle ayaa guddoomiye degmo  u magacaabay ay baadigoob ugu jirto dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ayaa guddoomiyaha degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe loogu magacaabay Cismaan Maxamed Xaadoole.

Guddoomiye Xaadoole ayaa hore u soo noqday guddoomiyaha  degmada Balcad, waxaana loo heystay kiis ah inuu ka danbeeyay ciidamo Boolis ah oo uu ku laayay agagaarka degmada Balcad sanadki 2014, markaasoo Guddiga ammaanka Qaranka ay amar ku bixiyeen in la soo xiro kadibna uu baxsaday.

Waxaa xilkii laga qaadayguddoomiyihii degmada Balcad Maxamuud Maxamed Saney, mana jirto wax isbedel ah oo lagu sameeyay guddoomiye ku xigeenada, iyadoo aan la ogeyn sababta dib loogu magacaabay guddoomiyihii hore.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON