Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa kulan uu la qaatay mas’uuliyiinta iyo waxgaradka degmada Buuloburte u bandhigay inay kala doortaan laba arrimood.Madaxweyanaha Hirshabeelle ayaa u sheegay reer Buuloburte inay kala doortaan la shaqeynt ciidamada AMISOM ee Hiilwalaal iyo inay Alshabaab loo dhaafo oo uu ku tilmaamay inuu yahay “Waraabe dadoow” oo la wareega degmadooda.
Wuxuu u sheegay inuu sii joogi doono magaalada Buuloburte si xal looga gaaro xiisad ka dhalatay dil loo geystay askari ka tirsan ciidanka Jabuuti, wuxuuse si cad ugu sheegay inaan magaalada la joogi doonin haddii ay ka baxaan ciidamada AMISOM.
DHAGEYSO