Thursday, July 17, 2025

Madaxweynaha Hirshabeelle oo wasiiru dowle cusub ku soo kordhiyay Golaha wasiirada

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa magacaabay wasiiru dowle cusub oo ka mida noqonaya golaha wasiirada maamulkaasi.

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Hirshabeelle ayaa Xildhibaan Maxamuud Xuseen Mooge loogu magacaabay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

“Kaddib Markaan arkay baahida loo qabo in lagu kordhiyo Wasiiru Dowle Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda. Waxaan u magacaabay Maanta oo ay taariikhdu tahay 11.April 2017, Xildhibaan Maxamuud Xuseen Mooge Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Ee Dowladda Hirshabeelle” ayaa lagu yiri wareegtada.

Wasiiru Dowlaha cusub ayaa u xilsaaran waajibaadka ku cad dastuurka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Golaha wasiirada maamulka Hirshabeelle ayaa noqday tusbax furtay iyadoo markii horeba aad u tiro badnaa, haddana xubno cusub lagu sii kordhinayo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON