Saturday, July 5, 2025

Madaxweynaha Hirshabeelle oo xaqiiijiyey inuu isu karaantiilay taxadarka cudurka Coronavirus, Xaaladiisuna…

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo xaaladiisa warar badan kasoo baxayeen ayaa xaqiijiyey inuu is karaantiilay shaki ku saabsan cudurka Coronavirus, haddana ay xaaladiisa wanaagsan tahay.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sheegay inuu iskiis u doortay inuu is-karaantiilo toddobaadkii hore, isagoo qaadaaya tallaabo kahortag ah, iyo inuu tusaale u noqdo dadka sida uu yiri, wuxuuna caddeeyay in xaaladiisa ay fiican tahay.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa maalmihii ugu danbeeyay ka jirtay xaalad cabsi leh oo ku saabsan inuu ku fiday cudurka Coronavirus, siiba madaxda maamulkaasi markii cudurka laga helay wasiiru dowlihii maamulkaasi Khaliif Muumin Toohow oo Muqdisho ugu dhintay cudurka,.

Xubno uu la kulmay mas’uulkaasi oo ay ka mid yihiin madaxweynaha iyo mas’uuliyiin kale ay xaaladooda ka shakiyeen, waxaana karaantiil ku jira mas’uuliyiin badan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON