Sunday, July 6, 2025

Madaxweynaha Hirshabeelle oo xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan, dibna u soo celiyey…

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan, isagoo magacaabay Guddoomiye cusub.

Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilkii looga qaaday Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale, iyadoo loo magacaabay Cali Jeyte Cusmaan oo hore guddoomiye uga soo noqday Gobolkaasi.

Cali Jeyte Cusmaan ayaa xilka Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan lo magacaabay markii saddexaad. Bishii Septembar 2017 ayuu madaxweyne Waare xilkan u magacaabay Cali Jeyte, isagoo ka qaaday xilka April 2018. Waxaa Cali Jeyte xilka guddoomiyaha Gobolka Hiiraan markii ugu horeysay u magacaabay madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali C/llaahi Cosoble Janaayo 2017.

No photo description available.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON