Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa sheegay in khalad weyn ka jiro Muqdisho iyo Gobolka Banaadir sida loo fasirayo.
Wuxuu caddeeyay in Muqidsho ay tahay caasimadii ayna u baahan tahay maqaam gaar ah; laakiin Gobolka Banaadir uu yahay degaan ay dad leeyihiin oo ay ku abtirsadaan, xuquuqdiisiina ay maqan tahay.
Isagoo ka hadlayay doodda ka taagan qaab dhismeedka maamulka Goboleedyada ayuu ku sheegay in oraahda ah “LABA GOBOL IYO WAX KA BADAN” aanay ahayn aayad quraan ah, lana heli karo qaab looga gudbo.
DHAGEYSO CALI C/LLAAHI COSOBLE