Monday, July 7, 2025

Madaxweynaha Hirshabelle oo xilkii ka qaaday Guddoomiyaha degmada Warsheekh, dibna u soo celiyay… [Wareegto]

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyaha degmada Warsheekh ee Gobolka SH/Dhexe isagoo u magacaabay guddoomiye cusub.

Wareegto kasoo baxday caawa Xafiiska Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa xilkii looga qaaday Gudoomiyihii Degmada Warsheekh Cumar Maxamed Cumar, waxaana xilkaas dib loogu magacaabay Axmed Xuseen Axmed (Shiidka) oo hore u soo noqday Guddoomiyaah degmada balse uu xilka ka qaaday wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle.

Magacaabiddan ayaa lagu sheegay in mid Kumeelgaar ah oo aan wax saameyn ku yeelan doonin Dhismaha Golaha Degaanka ee dhismihiisu hadda socoto, iyadoo ku timid talo soo jeedinta odayaasha iyo waxgaradka degmada Warsheekh.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA

No photo description available.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON