Wednesday, June 25, 2025

Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha oo ku tartamaya ka qeybgalka shirarka dibadda & safarrada

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa ku tartamaya safarrada dibadda, iyadoo Ra’iisal wasaaruhu u muuqdo inuu madaxweynaha oo markii hore hormuud ku ahaa uu kaga dheereeyay dhinaca safaradda dibadda.

Ra’iisal wasaare Cuamr C/rashiid ayaa markii labaad tegay Mareykanka iyo xarunta Qaramada Midoobay ee New York muddo bil gudaheed ah, waxaana shirka uu ka qeybgalay uu ahaa mid heer wasiir ah, taasoo muujineysa safar jaceylka ku dhacay madaxda sare ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna ku sugan xilligan dalka Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo ay tahay markii labaad ee uu dalkaasi booqdo muddo ka yar laba toddobaad….!

Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha waxaa muuqata inay hantida Qaranka ku wadaan meelo aan habooneyn iyadoo socdaalkooda iyo sahayda safar ee ku baxda ay saddex jeer ka badan tahay tan ku bixi lahayd marka wasiir uu safarradaasi loo diro, waxaanay u muuqdaan kuwo aan ka dhergin diyaarad iyo ka qeyb galka shir kasta iyo fursad kasta oo ay dalka uga bixi karaan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON