Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta waraaqihiisa Aqoonsiga danjirenimo k agudoomay safiirka cusub ee Somaliya u fadhin doono dalkaasi.
Danjiraha cusub Salaad Cali Jeelle ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay Aqalka Madaxtooyada Magaalada Jabuuti, waxaana qaabilay madaxweynaha Jabuuti, iyadoo ay ka wadahadleen xiriirka labad dal.
Salaad Cali Geelle oo dowladii KMG ah ayd ee madaxweyne C/llaahi Yuusuf ka noqday Wasiir ku xigeenka Gaashanadhigga ayaa ka mid ahaa taageerayaasha Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo xil safiir u magacaabay.


