Sunday, July 13, 2025

Madaxweynaha Jabuuti oo Warkii ugu horeeyay kasoo saaray Shirka Farmaajo & Muuse Biixi

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa warkii ugu horeeyay kasoo saaray kulan magaalada Jabuuti ku dhex mari doona Madaxweynayaasha Somaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Qoraal uu Madaxweynaha Jabuuti soo dhigay baraha bulshada ayuu ku yiri: “Berri waxaan Jabuuti ku guddoomin doonaa kulan dhex maaya madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi si aan u sii wado dadaalkii dhexhexaadinta labada hoggaamiye. Waxaan kaloo shirka inuu kasoo qeybgalo ku casuumay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed”

Warkii ugu horeeyay ee shirkan iyo qorshihiisa waxaa shaaciyay Goobjooge.net, iyadoo xogta la helay ay sheegeyso in shirka uu dadaal gaara ku bixiyey Mareykanka, laguna doonayo in heshiis lagu dhex dhigo Somalia iyo Somaliland.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON