Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-garen) ayaa dib u magacabay Gudoomiyihii Gobolka Shabeellaha Hoose oo xilkaasi hore looga qaaday.
Wareegto maanta kasoo baxday Madaxweynaha K/Galbeed ayaa xilka Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose loogu magacaabay Ibraahim Aadan Cali (Najax) oo hore xilkan u soo qabtay balse laga qaaday Bishii May 2018, markaasoo madaxweynihii maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan uu u magacaabay wasiiru dowlaha Madaxtooyada K/Galbeed.
Xika Guddoomiyaha Gobolka Sh/hoose ayaa laga qaaday Maxamed Ibraahim Barre oo xilka hayey muddo 10 bilood ah.
HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA
