Friday, July 4, 2025

Madaxweynaha K/Galbeed oo sheegay inay Soomaaliya u gacan gashay Gumeysi cusub

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafatagareen) ayaa sheegay in Soomaaliya ay xilligan ku jirto Gumeysi qarsoon oo loo maleegay.

Laftagareen oo xalay khudbad ka jeediyay munsaabadda 1-da luulyo ee ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa sheegay in Soomaalidii mideysneyd 62 sano ka hor ay hadda dowladnimadooda marxalad adag gashay, isla markaana uu dalka kujiro gumeysi qarsoon oo meelo kale laga soo maleegay, sida uu yiri.

Madaxweynaha K/Galbeed ma faahfaahin gumeysiga ay Soomaaliya ku jirto iyo cidda ku heysa, wuxuuse ka deyriyey xaaladda Soomaaliya xilligan ku jirto.

Wuxuu khudbadiis ku sheegay in  dhalinyaradii Soomaaliyeed maskaxda laga qabsaday, isla markaana dadkooda, dowladooda iyo calankooda intaba lagu diray, iyaga oo usoo maleegaya dhibaatooyin kala duwan, taasoo uu ula jeeday Alshabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON