Tuesday, June 24, 2025

Madaxweynaha Kenya iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo wada qorshe halis ku ah Soomaaliya

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta  iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa wada qorshe ay ugu heshiiyeen arrimaha Soomaaliya oo ku saabsan mustaqbalka ciidamada Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya (AMISOM) oo ku dhowaad kala bar ka socda labadan dal ee safka hore.

Kenya ayaa dhowaan soo jeedisay in ciidamada AMISOM loo bedelo ciidamo ka socda Q/Midoobay, waxaana qorshahan oo uu wato madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta uu hadda ku guuleystay inuu ka iibiyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn oo ay kulan ku yeesheen magaalada Brussels iyadoo ka wada qeyb galaya shirka horumarka Yurub.

Labada hogaamiye ayaa isla gartay inay u ololeeyaan in ciidamada AMISOM ay noqdaan u xuub siibtaan ciidamo ka socda UN-ka, arrintaas oo dhaqaale badan ay ku heli doonaan ciidamadooda, isla markaana looga bixi doono mushaar la’aanta heysa ciidamada AMISOM.

Itoobiya iyo Kenya ayaa hore uga caga jiiday inay ka mid nqodaan ciidamada AMISOM, waxaana muddo 10 sanadood ah oo AMISOM ka howl galeysay Soomaaliya, waxayna hadda doonayaan inay sharciyad kale ku helaan joogitaanka milaterigooda ee gudaha Soomaaliya, taasoo halis ku ah xasiloonida iyo dowladnimo dib uga hana qaada Soomaaliya.

SAWIRRO

Uhuru-Desalegn2 Uhuru-Desalegn1 Uhuru-Desalegn

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON