Monday, July 7, 2025

Madaxweynaha Kenya oo ku dhaartay inay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan Alshabaab

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa khudbad u jeediyay shacabkiisa, isagoo kala hadlaya xaalada weerarkii kooxda Alshabab ku qaaday ciidamada dalkiisa ee ku sugnaa xerada ku taala degaanka Ceelcade ee Gobolka Gedo oo qasaare baaxad leh kasoo gaaray.

Kenyatta ayaa ciidamadiisa ku amaanay geesinimo ay muujiyeen kadib weerarkii bahalnimada ahaa sida uu yiri ee argagixisadu ku soo qaaday, wuxuuna intaas ku daray in ciidamada Kenya ay Soomaaliya u joogaan inay difaacaan qaranka Kenya iyo dowladda.

“Geesiyadeena dhintay waxaa lagu soo celinayaa, dhaawaca waxay ku jiraan baxnaano, waxaan nahay qaran is heysta oo xoog badan, mana na cabsi gelin karaan argagixisada…” ayuu yiri Madaxweynaha Kenya.

Wuxuu sheegay madaxweynaha Kenya xilliga uu hadlayo in ciidamada Kenya ay wadaan howlgallo balaaran oo isugu jira badbaadin, baadigoob iyo dagaal… wuxuu balan qaaday in Alshabaab laga qaado tallaabo adag oo ay ka shalayn doonaan dembiyadii ay geysteen.

“Ciidamadeena dhiigga ka daatay kuna bixin meel eber ah, sanado badan waxaan taageereynay dadka iyo dowladda Soomaaliya si loo jebiyo caddowga arxanka darran ee argagixisada Alshabaab…..” ayuu yiri Uhuru Kenyatta

Wuxuu Alshabaab ku sheegay inay yihiin caddowga nabadda iyo dimoqraadiyadda ay u dagaalameen, wuxuuna ku dhaartay inay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan Alshabaab ilaa laga burburiyo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON