Sunday, July 13, 2025

Madaxweynaha Kenya oo sheegay xilliga ay Kenya ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya

Madaxweynaha Kenya Uhuru  Kenyatta ayaa sheegay in ciidamada ka jooga Soomaaliya ee qeybta ka ah AMISOM uu kala bixi doono sanadka 2018.

Go’aankan  ay qaadatay dowladda Kenya ayuu madaxweynaha Kenya ku wargeliyay in Xogahayaha Arrimaha dibdda Mareykanka John Kerry oo booqday dalka Kenya.

Sida laga soo xigtay  Talefeshinka CCTV Afrika  Uhuru Kenyatta ayaa u sheegay John Kerry in loo baahan yahay ciidamo ka socda Qaramada Midoobay in la geeyo Soomaaliya.

Kenya ayaa olole ugu jirtay in ciidamada AMISOM ay noqdaan kuwo loo bedelo UN oo hoostaga Golaha Ammaanka, taasoo Mareykanka iyo Midowga Yurub weli diidan yihiin, waxaana waqtiga AMISOM ku eg yahay 2018-ka.

Xoghayaha Arrimaha dibadda  Mareykanka oo saxaafadda Kenya ay weydiisay xilliga AMISOM ka baxeyso Soomaaliya iyo ciidamada UN-ka ee Soomaaliya la geynayo ayaa sheegay in AMISOM ay tahay inay fuliso waajibaadkeeda, balse tiradeeda lagu yareyn karo marka la xoojinayo ciidamada Qaranka Soomaaliya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON